U bood dhigaalka

Golaha Wakiillada Hirshabeelle oo Maanta Ansixiyay Wasiirrada Cusub

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha wakiillada  Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa waxay ku ansixiyeen kulankooda golaha wasiirrada cusub ee  maamulkaas, oo dhowaan uu ku dhawaaqay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, kadib ku dhowaad laba sano ah oo maamulku ahaa gole la’aan, kadib doorashadiisii 2020.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed, iyada oo xildhibaannada cod gacan taag ah ay ku ansxiyeen golaha wasiirada cusub ee lasoo magacaabay, majirin xildhibaan diiday ama ka aamusay ansixinta wasiirrada maamulka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa laba cisho  ka hor ayaa  waxa uu Magacaabay wasiirro oo ka kooban 80 xubnood, kuwaas oo isugu jira wasiirro, wasiir kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaal, madaxweynaha oo doorashadiisii laga joogo wax ku dhow laba sano ayaa khilaaf xoogan uu galay maamulkiisa oo dib u dhigtay golaha.

Goobjoog News