U bood dhigaalka

Golaha Wakiillada Puntland oo Dood Ka Yeeshay Matalaadda Gobolka Banaadi, Maxaase Ka Soo Baxay?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha wakiillada dowlad goboleedka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe, ayaa waxaa ay si adag uaga doodeen go’aankii golaha Aqalka sare uu 13 xubnood ugu ogolaaday in ay ku matalaan gobolka Banaadi Baarlamaanka soo socda ee 2021-ka, qoondadaas oo Baarlamaanku shalay uu meel mariyey.

Golaha ayaa intii kulanka socday waxaa ay eedeyn u soo jeediyeen dowladda federaalka Soomaaliya , dowalda goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbee, iyagoo ku eedeeyey in ay gooni yeeleen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,sida ay goobta ka sheegeen xildhabaannadii golaha ka hor hadlay.

Qaar kamid ah xildhibaanno goobta khudbado ka jeediyey  ayaa sheegay in  Puntland ay KA tashan doonto  dowaldda federaalka Soomaaliya, halka qaar kale ay soo jeediyeen in lagu dhawaaqo in ay Puntland ay ka madaxbannaan tahay dalka intiisa kale, waa sida ay hadalka u dhigeen, xildhibaannadii hadalka jeediyey.

Hadalka ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili aysan wanaagsaneyn qilaaqaadka kala dhexeeyo dowladda dhexe, eedeynta maanta ayaana salka ku heyso kadib markii golaha shacabka Baarlamaanka uu shalay meel mariyey matalaadda gobolka Banaadir uu yeelanayo Aqalka sare oo ah 13 xobnood.

Goobjoog News