U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Galmudug oo La Ansixiyey

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Galmudug ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey golaha wasiirada uu dhawaan soo dhisey madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug waxaa fadhidey 69 mudane, waxaa xukuumadda u codeeyay 66 Xildhibaan halka sadex kale oo kala ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka galmudug iyo labadiisa kuxigeenna ay san codkooda dhiiban.

Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ay sheegeen in ay dhaliilsanyihiin wasiirada uu magacaabay Cabdikariim.

Goobjoog News