Kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka ah loogu gudbiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka.
Miisaaniyadda ayaa gaaraysa sananka 2023-ka $967.7Â taas oo ay ku jiraan daqliga gudaha iyo kan dibadda ka yimaada ee deeqda ah.
“Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa ay ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha.
Miisaaniyadda ayaa sidoo kale la sheegay in sanadkaan daqliga gudaha ka soo xarooday kor looga qaaday sanadihii hore halki uu joogay.




