U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Meel Mariyay Miisaaniyad Cusub

Sheeko:Baarlamaanka

Shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa  lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $ 206,474,223, taas oo loo qoondeeyey howlaha dowladda in lagu socodsiiyo laga bilaabo bisha April iyo June 2022-ka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha wasiirrada waxaa uu horgeeyey golaha iyada oo faahfaahsan waxaana uu u sharaxay muhiimadda ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si buuxda  u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, xiliga doorashooyinka.

Shirka Golah Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo heer  gabagabo ah maraayo iyo dadaallada dowladda ee wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira, taas oo siweyn u saamaysay dadka iyo duunyada intaba, waxaana dhowaan gargaar dalka soo gaarsiiyey dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabka.

Goobjoog News