U bood dhigaalka

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ka hadlay howlgalada hub ka dhigista

Sheeko:War
Golaha wasiirada Soomaaliya oo uu ka dhex muuqdo Madaxwayne Xasan Sheekh
Golaha wasiirada Soomaaliya oo uu ka dhex muuqdo Madaxwayne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kala galay golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka midyihiin amniga iyo sharuucda lagu gaari karo hiigsiga 2016-ka.

Dood dheer kaddib ayay Goluhu isku raaceen in guddi loo saaro sharuucda lagu gaari karo hiigsiga 2016-ka, iyagoo baarlamaanka kala shaqeynaya hanaanka dalka lagu gaarsiinayo doorasho xor ah, islamarkaana la sameeyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo in la abuuro guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo arrimaha federaalka iyo kuwa kale.

War-murtiyeed ay golaha Wasiirada ka soo saareen shirkii aan caadi ahayn ee ay goluhu ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa saxaafadda u akhriyay Wasiirka Warfaafinta iyo hunuuninta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in howlgalladii amniga ee ka dhacay Muqdisho ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayo guud ahaan amniga caasimadda, islamarkaana aan lagu xad gudbi doonin xaquuqda aas aasiga ah ee dadweynaha.

Sidoo kale war-murtiyeedka aya ku qornaa in sida uu sharciga qabo hay’adaha amniga iyo ciidamada qalabka sida iyo ciddii ruqsad u haysata oo kaliya in ay hub ku dhex wadan karaan magaalada Muqdisho.

Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa yiri “ waxaa la mamnuucay ka ganacsiga hubka nooc kasta uu yahay, haysashada ciidamada abaabulan oo ka baxsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM, in waddooyinka lala maro hub aan sharciyaysneyn iyo dadweynaha ay hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan cidkasta oo haysatay hub sharci darro ah, ayna ku soo wareejiyaan hubka sharci darrada ah Wasaaradda Amniga Qaranka”

Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in ciddii ka hortimaada ciidamada amniga marka ay ku guda jiraan howlaha amniga sugidda ee ay u xilsaaranyihiin ay ku xadgudubtay sharciga.

“Warbaahinta madaxa banaan waxaa lagu wargelinayaa in ay dhowraan sharciga oo aysan marnaba ku xadgudbin, waxaa saxaafadda iyo war baahinta lagu adkeynayaan inaysan ku kicin falal ku saabsan iska horkeenta bulshada, kicinta colaadaha, been abuurka aan sal lahayn, iyadoo Warbaahintii ku dhaqanka arrimahan sare ku xusan waxaa la horkeenaya Maxkamadaha garsoorka ee awoodda u leh qaadidda dacwadooda” ayaa lagu yiri bayaanka ay goluhu ka soo saareen shirkoodii maanta ee uu Saxaafadda u akhriyay Wasiirka Warfaafinta.

Goluhu waxa uu u xilsaaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Amniga qaranka inay si cad u soo saaraan siyaasad cad oo qeexeysa habdhaqanka Warbaahinta, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay dhowreyso gacan sareynta sharciga, talinta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aas aasiga ah ee dadweynaha Soomaaliyeed, iyadoo xushmeyneyso xoriyadda saxaafadda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in waxyaabaha shirka laga soo saaray ay ka mid ahaayeen sharciyo dalka u horseedaya sida lagu gaari karo hanaanka doorashooyinka oo ay dowladdu hiigsaneyso.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin sida uu Madaxweynaha uga soo qeybgalay kulanka aan caadiga ahayn ee ay goluhu yeesheen.

Kulankaan aan caadiga ahayn ee ay maanta Muqdisho ku yeesheen ayaa ahaa mid lagu xoojinayay howlgallada amniga quseeya ee ay sameynayaan hay’adaha amniga Qaranka.

Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedka:

WAR-MURTIYEED-1-pdf-222