U bood dhigaalka

Goobaha Ganacsiga Ee Cadaado oo Maanta Xiran iyo Sababta+Sawirro

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta xiran gabi ahaanba goobaha ganacsiga ee magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ee maamulka goboleedka Galmudug, waxaa sidaasi u sheegay Goobjoog News dad deegaanka ah.

Xirnaanshiyaha ganacsiga ee magaalada ayaa yimid kadib markii la sheegay in wasaaradda maaliyadda maamulka Galmudug ay ganacsiyada kusoo rugtay canshuuro dheeraad ah, halka ganacsatadu sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagtaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ganacsigii oo la dhan la xiray iyada oo laga gadoodayo go’aanka maamulka Galmudug, waxaana socda qabanqaabada dibadbaxyo lagu diidan yahay canshuurta cusub.

Goobjoog News