U bood dhigaalka

Goobjoog oo Heshay Dokomentiyo La Xiriira Dib u Dhigista Dacwadda Badda iyo Doodda Kenya iyo Soomaaliya ee ICJ

Sheeko:Baarlamaanka

Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa talaadadii ku dhawaaqday in markii 3-aad dib loo dhigay kiiska baddda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii Nairobi ay dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiskaas.

Maxkamaddan oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa dib u dhigista dacwadan ku micneysay saameynta adag e dunida uu ku yeeshay cudurka Covid 19 oo caalamka oo idil kala xirxiray, waxaa ayna maxkamaddu waraqad lagu ogeysiinayo in dhageysiga dacwadda badda dib loo dhigay ay u dirtay labada dal oo ay dacwaddu u dhaxeyso.

March, sanadka 2021 ayey maxkamadda ICJ go’aamisay inay bilaabato dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxa ayna maxkamaddu intaas ku dartay inay tixgelisay dalabkii uga yimid dowladda Kenya sidaasna ay ku go’aansatay inay dib u dhigto kiiskan.

Haddaba, Goobjoog News ayaa heshay dokomentiyada ay isdhaafsadeen dhinacyada ICJ, Kenya iyo Soomaaliya:

April 24, 2020: Maxkamadda Cadliga ICJ ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dowladda federaalka ah ku sheegtay in ay heshay codsi ka yimid dalka Kenya April 23, 2020 oo ay ku dalbaneyso in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda xilli aan la cayimin sababo la xiriira Covid 19.

May 1, 2020: Qoraal ay Soomaaliya u dirtay maxkamadda oo uu ku saxiixnaa ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed waxaa ay Muqdisho ku sheegtay in aragtay codsiga Kenya ee dib u dhigista dacwada badda, taasina ay tahay markii 3-aad oo ay sidaasi sameyso.

Soomaaliya waxaa ay intaasi ku dartay in Kenya ay ku cadaadineyso Soomaaliya in xal lagu gaaro meel ka baxsan maxkamadda, oo weliba taktikada Kenya ay waddo ee ay ku dooneyso in Soomaaliya ka baxdo maxkamadda ay tahay mid walaac leh.

Warqaddan waxaa ay Soomaaliya ku xustay in cudurkan Covid 19 uu halis yahay, loona baahan yahay in ay ahmiyad la siiyo badqabka dadka iyo maxkamadda sidaasi darteedna ay maxkamadda dacwada ku gasho dhageysigeeda qaab video-conference ah.

May 1, 2020: Maxkamadda Cadliga waxaa ay sheegtay iney heshay qoraal ay Soomaaliya dirtay oo ah in in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo horjeedo dib u dhigista dhageysiga dacwadda badda, codstana in dhageysiga laga dhigo video-conference ah.

May 4, 2020: Qoraal ay Maxkmadda ka heshay Kenya waxaa ay ku sheegtay in Kenya ay difaaceyso codsigeeda ah dib u dhigista.

May 7, 2020: Qoraal uu diray ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomalaiya Mahdi Maxamed ayey Soomalaiya ku sheegtay in doodda Kenya ee ah in doodda ku fiicantahay in maxakamadda la horjoogo ay daciif tahay, lana dhageysan karo qeybaha iyada oo live streaminig oo dadweynaha la socon karaan, dhinacyadana ay ku qancayaan.

Muqdisho waxaa ay caddeysay in ay ku dheggan tahay soojeedinteeda ah in doodda u dhacdo qaab  video-conference oo intii hore ay dib u dhigis ugu filnaato.

May 7, 2020: Qoraal uu waxaa ay maxkamadda sheegtay inay heshay jawaabta Soomaaliya ee la xiriirta codsiga Kenya taas oo Muqdisho ku dalbatay in dhageysiga laga dhigo qaab video-conference ah

May 19, 2020: Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dhageysatay soojeedinta labada dhinac oo ku saabsanaa dib u dhigista dhageysiga dacwada badda iyada oo la tixgelinayo caabuqa Coronavirus taasina ay keentay in dhageysiga laga dhigo March 15, 2020.

Goobjoog News