U bood dhigaalka

Goobta Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo Lagu Dhawaaqay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay qabanqaabadii doorashada guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee federalka ah Soomaaliya, waxaana uu xusay in doorashada ay ka dhaci doonto maalinta arbacada Teendhada Afisyooni.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed aan la wadaago inaan soo dhammaystirnay howshii naloo idmaday, intooda badan, waxaa kaliya oo hadda noo haray ayaa waxaa ay tahay labada maalin oo diyaar garowga ah iyo maalinta doorashada ay dhacayso oo Arbacada ah, doorashadu waxaa ay ka dhacaysaa Afisyooni, sababo badan oo ay kamid yihiin marti-sharaf kale iyo Space-ka Baarlamaanka oo aan ku filneyn” ayuu yiri C/risaaq Cumar.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta soo gabagabeeyay dhageysiga hadaljeedinta musharraxiinta guddoonka golaha shacabka oo maanta iyo shalay ka hor hadlay golaha, iyadoo soo bandhigay waxqabadka haddii ay ku guulaystaan kuraasta guddoomiyaha iyo kuxigeennada, waxaana la dooran doonaa 27-ka Bisha.

Goobjoog News