U bood dhigaalka

Goodax Barre iyo Cumar Filish oo Kawada Hadlay Hannaanka Wareejinta Waxbarashada Gobalka

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumaddda federaalka Soomaaliya  Cabullaahi Goodax Barre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Cumar Filish, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta wasaaradda waxbarashada ee magaalada Muqdisho.

Kulanta ayaa u jeedkiisu ahaa ka baaraandegidda muddada kala guurka waxbarashada gobolka Banaadir iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale u diyaar garowga gobalka Banaadir sidii muddo sedex bil gudahooda uu kula wareegi lahaa waxbarashada gobalka, oo horay loo qorsheeyey in loo madaxbanneeyo.

Wasaaradda iyo maamulka gobolka ayaa waxaa ay  isla garteen in howshaan ay dardargeliyaan guddi ka koobnaa sideed xubnood kaas  oo ka kala socda labada dhinac oo dhowaan la magacaabay  shaqadiisuna ay tahay darar gelinta iyo diyaarinta hannaanka guud ee looga golleeyahay u madaxbanneenta waxbarashadiisa.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir  u madaxbanaanaandoono  maamulka waxbarashada guud ahaan ee gobalka si la mid ah dowlad gobaleedyada dalka ka jiro Wasaaradda Waxbarashadana ay doorkeeda ay si siman u maamusho dhammaantood.

Goobjoog News