U bood dhigaalka

Guddig Dastuurka Ee BFS Oo La Kulmay Xubno Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Sheeko:Baarlamaanka

Xubno ka socday Wasaaradda arrimaha gudaha uuna hor ka cayay  Wasiirka arrimaga gudaha ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kulan Maanta kala qeyb-galay guddiga dib u eegista Dastuurka ee BFS.

Kulanka ayaa ku saabsanaa kala warqaadasho guud oo ku saabsan halka ay Mareyso howlaha dib u eegista Dastuurka guddiga ayaa waxaa ay warbixin ka siiyeen xubnihii ka socday Wasaaradda Faahfaahin ku saabsan arrintaasi.

Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa ka hadlay waxaa ay isku afgarteen iyaga iyo xubnaha dib u eegista Dastuurka.

“Waxaa aan qaadanay kulan ra’yi is weydaarsi ah sidoo kale waxaa aan isla wadaagnay meesha ay Mareyso howlaha Wasaaradda gaar ahaan kuwa khuseeya ama la sugayo in ay hirgalaan si ay qeyb uga noqdaan qoraalka dib u eegista Dastuurka “.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah guddoomiyaha guddiga di u eegista Baarlamaanka ayaa dhankiisa sheegay in ay ballaarin doonaan holwaha ku aadan wadatashiga arrimaha Dastuurka.

“Shirkaas waxaa uu ahaa mid guul waxaan isla gorfeynay wax fiican anaga shaqo ayaan heynay iyagana shaqo ayay hayeen marka waa isku baahneyn, waxaan wadatashiyo la sameyn doonnaa Wasaaradaha kale.

Xubnaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee BFS ayaa baryihii dambe waxaa ay ku howlanaayeen dib u qaabeynta 5-tii Cutub ee la soo gudbiyay.

Goobjoog News