U bood dhigaalka

Guddiga Arrimaha dibadda ee Baarlamanka Soomaaliya oo Soo Saaray 6 qodob oo ay ku Baaqeen in dowladda Wax Ka Qabato

Sheeko:Baarlamaanka

Guddigga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed  qodobbo ah oo ay ku baaqeen in dowaldda Soomaaliya ay wax qabato.

Guddiga ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 9 March  2016 , waxay soo saareen war murtiyeed ku aaddan siyaasadda arrimaha dibadda iyo qaabka ay hadda u arkaan, howlaha la xiriira xukuumadda oo lagu magacaabayo safiirro cusub, kadib markii arrimahaa la isla falanqeeyay ayaa guddigu waxay soo saareen dareenkooda ku aaddan iyo sida ay u arkaan qodobadan soo socda oo ay dowladda ugu baaqayaan in wax laga qabto:

  1. Magacaabista safiiradda iyo howl wadeenada dibadda oo aan loo marin sharciga nidaamka cadaaladda iyo habraaca isku dheelli tirka awood qeybsiga dalka oo ay horey wasaaradda arrimaha dibadda u soo gudbisay xukuumadda iyo guddiga isla markaan hindise sharciyeedkaasi uu si buuxda u meel mariyay golaha shacabka Soomaaliyeed, madaxweynuhu uu ku soo saary digreeto, taas oo faafinta rasmiga ahna lagu qoray ee dowladda.
  2. Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka baaqsatay iney si cad tilmaan uga bixiso, qorsho howleedkeeda ku aaddan jihaynta qorshe howleedka siyaasadda dibadda jihaynta siyaasadeeda arrimaha dibadda ee la xiriirta hiigsiga qaran ee 2016 iyo iskaashiga dowladda kala dhexeeya guud ahaan arur goboleedyada iyo beesha caalamaka.
  3. In aan guddiga lagu xushmeyn shaqooyinkiisa iyo waajibaadkiisa qaran, sharci ahaanna u siinayo xeer-hoosaadka iyadoo si barer ah u hareer maro guddoonka baarlamaanku, hadba iskiisa usoo xusha ama u magacaaba ciddii uu rabo, sida ka qeyb galka shirarka iyo howlaha sida gaarka ah loogu qaadaa dhigayo siyaasadda arrimaha dibadda.
  4. Heshiisyo caalami ah iyo kuwo heer gobol oo guddigu ka codsaday in wasaaradda arrimaha dibaddu usoo gudbiso oo aan illaa iyo hadda soo gaarin guddiga ayaa jiro, sida heshiisyadii lala galay AMISOM, UNSOM iyo Dowaladaha dariska ah .
  5. B) Iska xilsaarid la’aanta qiima dhaca iyo gabood fallada joogtada ah ee lagu hayo xasaanadda mas’uuliyadda qaranka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed ee aaney jir cid iskaga xil saartay dowladnimo taabo gal ah.
  6. C) soo afmeerid la’aanta isqabqabsiga ka jira danjirayaasha dhexdooda ee sida jaantaa rogan loogu meeleeyay safaaradaha dibadda qaarkood.
  7. D) la socodsiin la’aanta hay’adaha dastuuriga ah qandaraasyada deeqaha gargaarka, waxbarashada iyo masaariicda kala duwan ee loogu yaboohay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  8. Kala saarid la’aanta siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibadda ee ku aaddan dib usoo celinta iyo dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dibadda ku nool, iyo la socodka dhaqdhaqaaqa hay’adaha ajinabiga ah ee dalka ku sugan.
  9. Isbar baryaaca dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo saameyn ku leh sawirka siyaasadda dowladda dhexe ee dibadda iyo gudaha xiriirada kala dhexeeya dowladda bulshada caalamka.
  10. Ka warqabid la’aanta dhibaatooyinka adag ee dhalinyarada Soomaaliyeed ku haystaan guud ahaan xabsiyada ku yaalla dalalka dibadda iyo meel ka dhacyada joogtada ah xuquuqda aadanaha ee muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurba joogta ah.

Ugu danbeyn guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxa uu ku baaqayaa in dowladdu si cad wax uga qabato dhibaatooyinka aan kor kusoo xusnay si loo saxo wixii khaladaad ah ee aan soo tilmaaney.