U bood dhigaalka

Guddiga Baarayey Arrinta Qalbi-dhagax Oo Sabtida Soo Socota Warbixintooda Laga Dhageysan-doono

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga golaha shacabka u saaray in ay soo baaraan go’aanka xukuumadda 6-da September ka qaateen Cabdikarim Qalbi-dhagax, Jabhadda ONLF  iyo heshiisyada la sheegay in ay soo galeen xubno ka tirsan dowladda ayaa codsaday in la siiyo maalmo kooban si ay u soo gudbiyaan warbixin dhameystiran.

Xildhibaan Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ka tirsan guddiga oo ka hadlayey kulanka golaha shacabka 28aad, kalfadhiga 2aad ayaa sheegay in golaha ay siiyeen Mandate, shaqo fiicanna soo qabteen isaga oo intaasi ku daray uu soo dhammaaday qorista Repot-ka balse u dhiman wax yar oo ay sodsanayaan maalmo kooban.

Guddoonka golaha ayaa guddiga waxaa uu siiyay illaa sabtida dambe si looga dhageysto warbixinta oo dhameystiran

Dhowr mar ayey horay u baaqatay warbixinta guddiga laga sugayey, waana ballantii ugu dambeysay ee loo qabto si ay u soo gudbiyaan qoraal ay sugayaan dhammaan umadda.

Goobjoog News