U bood dhigaalka

Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka Oo Gorfeynaya 5 Cutub

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga La socodka iyo dib eegista dastuurka ee baarlamaanka 10-aad oo maanta u fariistay dib u qaabeynta 5-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo ay soo diyaariyeen guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in Maanta ay u fariisteen dib u eegis lagu sameynayo 5-tii cutub ee ugu horreysay oo ay soo diyaariyeen guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in cutubyada 6-9-aad ay iyaguna wajiga labaad ay marsiin doonaan dib u eegis dhab ah si loo dhameystiro Dastuurka uu yeelanayo dalka.

“Nasiib wanaag waxaa ah in la soo diyaariyo Cutubyada ilaa iyo shan ayna noo soo gudbiyeen, waan is kugu nimid inaan shantii Cutub ee naloo soo gudbiyay ayaa dib u eegi doonnaa “.

Guddiga madaxa banaan ayaa wada dadaallada dib u eegista dastuurka si dalka looga saaro dastuurka KMG ah.

Goobjoog News