U bood dhigaalka

Guddiga Dib-u-Eegista Dastuurka oo La Kulmay Xubno Ka Socday QM

Sheeko:Caalamka
Guddoonka Guddiga madaxa banaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddoonka Guddiga la socodka dastuurka ayaa maanta Kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo fadhigoodu yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka oo dhowaan ay safar ku gaareen mas’uuliyiintaan ka tirsan guddiga madaxabannaaan ee dib u eegista dastuurka.
Mas’uuliyiintaan ayaa waa  hogaaminayey Madaxa Xafiiska Doorashooyinka iyo dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay Mudane Gerge G. Kubwimana, Marwo Mikyong Kim, oo ah Xafiiska Siyaasadda Doorashooyinka, La-Taliye Sare ee Gobolka ee arrimaha Doorashooyinka iyo horumarinta Dowlad-wanaaga ee UNDP Mudane Luis Martinez betanzos iyo Mudane Walter Lotze oo ah Madaxa Bariga Afrika ee Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa looga hadlay hanaanka geedi socodka dib u eegista dastuurka KMG ah, Doorashada soo socota ee dalka Ka dhici doonta qaabka ay nooqneyso, iyo sida ay Qaramada Midoobay kaalin uga geeysan lahaayeen dib u eegista Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Madaxda QM. ayaa sheegay in Hay’adaha dib u eegista dastuurka ay kala shaqeyn doonaan sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka ay uga dhacdo doorasho ka duwan doorashooyinki horay igu dhacay dalka.
Goobjoog News