U bood dhigaalka

Guddiga dib u eegista qorshe-howleedka wasaaradaha oo ka warbixiyay waxa u qabsoomay

Sheeko:War

shir2Guddiga uu ra’isal wasaaraha xukuumadda Federaalka  Soomaaliya  Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed u xilsaaray in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshe-howleedka wasaaradaha lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa  saxaafada uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha dib u eegista waxqabadka wasaaradaha.

Gudiggan oo uu hor kacayay  wasiir ku xigeenka  qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdulaahi Sheikh Cali Qaloocow  ayaa maalmihii la soo dhaafay warbixino ku aadan waxa ka qabsoomay qorshe howleedka ka dhageysanayeen wasaaradaha.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah  Cabdi Ciise Diirshe oo Saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in  la isugu yeeray shan wasaaradood, kuwaas oo laga dhegeystay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyo qorshaha u degsan  lixda bilood ee soo socota.

Ra’isal wasaaraha ayaa  u xilsaaray dib u eegista wasaaradaha guddi ka kooban 5 wasaaradood oo ay hormuud u tahay  Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana isugu yeeri doonaa dhamaan wasaaradaha si loo ogaado wixii ay qabatay wasaarad waliba.

Ra’iisal wasaaraha ayaa  amar ku bixiyay in la ururiyo qorshe-howleedkii sannadkan 2014, gaar ahaan  lixdii bilood ee ugu horaysay, wasaaradaha oo dhan waxaa laga rabaa in ay isku geeyaan wixii ay qabteen lixdaas bilood” ayuu yiri Mudane Cabdi Ciise Diirshe.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdalla Xaaji Cali oo xubin ka ah guddiga ayaa sheegay in talaabadani horseedayso in la kala ogaado wasaaradaha sida hufan u fuliyey qorshe howleedkii ay soo gudbiyeen iyo kuwa aan waxba ka qaban.

“Qorshahan waa mid lagu muujinayo in la ogaado halka ay Wasaaraduhu wax ka qabteen iyo halka ay ka jilicsan yihiin, ujeedkuna waa in la helo xukuumad shaqeynaysa oo waqtigan dhibka badan ka saarta bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Cabdallaha Xaaji oo dhinaca kale xusay in hadii la wada shaqeeyo la gaari karo halka la hiigsanayo.

Talaabadani uu Ra’iisul Wasaaruhu kula xisaabtamayo Wasaaradaha ayaa noqonaysa talaabo dhabbaha u xaaraysa in si wanaagsan loogu adeego bulshada Soomaaliyeed, loona muujiyo shacabka Soomaaliyeed in xukuumadu ku howlan tahay isbadal lagu samaynayo hanaanka dowladnimo, si shacabku ugu kalsoonaadaan dowladooda.