U bood dhigaalka

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Mushaaraadka Ciidamada Weeydiiyey Wasiirka Gaashaandhigga

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan ayaa dhexmaray guddiga difaaca baarlamaanka iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, waxaana wasiirka wax laga weeydiiyey xuquuqaha ka maqan ciidamada xoogga dalka oo aanan iyagu mushaarka qaadanin muddo 4 bilood ah.

Wasiirka oo uu wehlinayay taliyaha xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey sababaha uu mushaarka u maqanyahay , iyo waxa iyaga wasaarad ahaan ay ka qabteen xuquuqaha ciidamada.

Guddigan oo uu guddoomiyo Xildhibaan Xuseen Ciise Carab oo isaga laftiisa mar ahaa wasiirka gaashaandhiga ayaa wasiirka wax ka weeydiiyey arrimaha isku dhafka ciidamada iyo halka ay mareyso hawlgalada ciidamada dalka.

Goobjoog News

Wasiirka gaashaandhigga iyo guddiga difaaca baarlamaanka