U bood dhigaalka

Guddiga Diyaarinta iyo Dhameystirka Xeerarka Doorashooyinka Qaranka oo Laga Dalbaday inay Dedejiyaan Shaqadooda

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la qaatay guddiga isku dhafka ah ee iyaga u qaabilsan diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka ayaa waxaa guddigaas looga dalbaday inay shaqadooda dedejiyaan maadaama guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ay dhamaadka bishan ku dhawaaqi doonaan nuuca doorasho ee uu dalka geli doono.

Kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka Qaranka, ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi,isla markaana inta dhimman dhowaana ay ka soo wareegi doonto dhankooda.

Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay  in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka.

Mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo isla markaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen.

Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo affar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka Qaranka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Soomaaliland.

Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.

Goobjoog News