U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Oo Qabtey Araajida 7 Murashax Uu Ka Mid Yahay Prof: Jawaari

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goordhaw soo gaarey warqabadka Goobjoog News in guddiga doorashada golaha shacabka ay qabteen maanta araajida ilaa 7 qof oo u tartamaya guddoonka golaha shacabka.

Muraxiinta waxaa ay u kala tartamayaan guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeennadiisa koowaad iyo labaad

  1. Murashaxiinta u tartamaya guddoomiyennimada golaha shacabka waxaa araaji laga qabey guddoomihii hore ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Sh. Cismaan Jawaari(Koofur Galbeed) iyo Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig(Jubbaland).
  2. Murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 1aad waxaa araajidooda la qabtey ilaa 4 murashax, kuwaas oo kala ah: Jeylani Nuur Iikar(Banaadiri), Saciid Xusseen Ciid(Puntland), Cabdweli Ibrahim Sheekh Muudey(Koofur Galbeed) iyo Khaalid Macow Cabdiqadir(Banaadiri)
  3. Murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 2aad, waxaa ilaa iyo hadda warqadiisa gudbiyay Xildhibaan Cabdiqadir Sh. Cali Baqdaadi(Jubbaland)

Doorashada  gudoomiyaha baarlamanka Sooomaliya iyo ku-xigeenkiisa ayaa dhici doonto 11-ka iyo 12-ka bishaan Junuary:

Goobjoog News