U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shabka oo Guddoomiye Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo shalay la magacaabay ayaa guddoomiye u doortay wasiirkii hore ee amniga xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamuud, kaas oo  xubnaha ka helay 5 cod, halka xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi uu  helay 4-cod, isaga oo la  tartamay.

Guddoomiye Cabdirsaaq iyo xubnaha kale ayaa waxaa looga fadhiyaa soo diyaarinta, daadajinta, habraacyada iyo jadwalka  doorashada guddoonka golaha shacabka oo dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa sidoo kale laga wadaa in guddiga dhowaan uu shaaciyo waqtiga ay dhacayso doorashada.

Guddiga qaban qaabada doorashooyinka golaha shacabka ayaa waxaa laga soo dhex xulay golaha shacabka, iyagoo ka kooban 10 xubnood, waxaana maanta ay guddoomiye u doorteen wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamuud oo kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad.

Goobjoog News