U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Somaliland oo Ka Hadlay Doorashada 2 Xubnood oo Ka Harsan Golaha Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer maamul goboleed ee Somaliland ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa dhameystir la’aanta doorashada xubnaha Aqalka Sare umatalaya Somaliland.

Gudoomiye kuxigeen gudigaas Axmed Muuse Xoosh oo aan wareysi gaar ah la yeelannay ayaa noo sheegay in wali aan lagu guleesan in la dhameestiro Labo kursi oo ka harsan aqalka Sare kuwaasi oo u xayiran is qabqabsi dhanka beelaha ah oo aan wali lagu heshiin.

Guddigu waxay ka hadleen sababta kuraasta harsan ee Golaha Aqalka Sare aan wali loo soo gabagabeyn:

“Waxaa heer gabogabo ah maraya kuraastii ugu dambeysay doorashadii Labada Aqal, guddiga doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleed ee Somaliland waxa uu soo gabagabeeyay Aqalka Hoose kuraastiisii oo kursigii ugu dambeeyay la doortay, kaliya waxaa noo dhiman Labo kursi oo Aqalka Sare ah, waxayna u dhiman yihiin is qabqabsi dhinaca beelaha ah oo liiska musharraxiintu ku soo baxeen ah, waxay leeyihiin beelo musharraxiintoodu ay aqalka hoose ku soo baxeen ayaa aqalka sarena doonaya, arrimo noocaas oo kale ah ayay isku haystaan, ayay guddiga fulintu noo sheegeen”, ayuu yiri Axmed Muuse.

Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in dhankooda wax ku xayiran aanuu jirin, laakiin ay ka war dhowrayaan guddiga fulinta doorashooyinka Aqalka Sare ee xubnaha Somaliland:

“Guddiga fulintu markii ay liiska kama dambeysta ah noo soo gudbiyaan ayaan anaguna doorashada qabannaa, Labadaa kursi waxay u xayiran yihiin 7 xubnood ee fulinta, arrinta Aqalka Sare ee Somaliland madashu u magacawday”.

Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay iney rajo wanaagsan ka qabaan iney soo dhameestiraan doorashada ka hor inta aan la gelin doorashada madaxwayanaha.

Golaha Aqalka Sare oo ka kooban 54 xildhibaan ayaa horey loo doortay 52 xubnood, waxaa ka harsan oo qura 2 xubnood oo dhanka Somaliland ah.

Goobjoog News