U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Dadban Oo Beeniyey Warqad Horay Uga Soo Baxday

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga dooorashooyinka dadban ayaa beeniyey warqad lagu sheegay inuu guddigu ku hakiyey mid kamid ah kuraasta deegaan doorashoodu ay tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ay sheegeen in laga been abuuray sixiixa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban, kaas oo sixiixiisa lagu arkayey warqada la faafiyey.

Qoraal hore ee kasoo baxay Guddiga doorashooyinka dadban , ayaa waxaa ku sixiixna Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf, waxaa lagu sheegay in Guddiga ay soo gaareen cabashooyin ka yimid Odayaasha iyo Nabaddoonada leh kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo uu hadda u sharaxan yahay  lataliyahay amniga madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Fahad Yaasiin.

Kursiga ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana warqadaan ay ku soo aadaysa iyadoo guddiga horay u soo saaray warqad lagu joojiyey kursiga, waxaana warqadda danbe lagu cadeeyey in aysan jirin wax cabasho ah oo soo gaaray  guddiga doorashooyinka dadban  iyo midka dowlad goboleedyada sida lagu xusay warqadda.

  Halkaan Ka Akhriso Warqada Dambe iyo middii hore

No photo description available.

No photo description available.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP086 ayaa waxaa hadda u sharaxan musharrax  Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana deegaan doorashadiisu ay tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ah magaalada laabaad ee loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad federalka ee ka imaanaya deegaannada Hirshabeelle.

Goobjoog News