U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle oo Hakiyey Soo Xilista Ergada Laba Kursi

Sheeko:Baarlamaanka
Guddiga doorashooyinka dadban ee maamulka goboleedka Hirshabeelle ayaa hakiyey liiska guddiga loo diiwaan geiyey soo xulista ergada dooranaysa kuraas horay guddiga uu u shaaciyey, kuwaas oo tirsigoodu kala yahay HOP#010 iyo HOP#066.
Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in la kiyey liiska dhaqanka iyo bulshada rayidka ee lasoo gudbiyey kadib markii ay cabasho ka timid, iyagoo xusay in ay soo gudbin doonaan magacyada rasmiga ah marka la xaliyo cabashada.
“Kadib cabasho ka timid odayaasha dhaqanka Iyo Murashixiinta kuraasta HOP#010 & HOP#066, Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) waxa uu hakiyay Guddiga Xulista Erdada ee la diiwaangeliyay si looga jawaaabo Cabashadii ka timid GXE ee la shaaciyay” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee maamulka Hirshabeelle.
Mid kamid ah kuraasta guddigu maanta hakiyey ayaa waxaa uu sababay dagaal ka dhacay magaalada Baladweyne, kaas oo sababay geerida laba ruux midkood uu yahay askari iyo dhaawaca sedex kale, waana kursiga sumadiisu tahay HOP#010.
Doorashada xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee  federalka Soomaaliya ayaa waxaa waqtigii lagu balamay in lasoo gabagabeeyo waxaa ka dhiman 7 cisho, waxaana wali la dooray xildhibaanno ka badan 60 mudane.
Goobjoog News