U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Koorfur Galbeed oo Shaaciyey Doorashada Lix Kursi

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta shaaciyey qabasha doorashada 6 kursi kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuriyadda fedelka ah ee Soomaaliya, waxaana guddigu uu sheegay in kuraastaan doorashadooda lagu  qabanayo todobaadka gudihiisa magaalada Baydhabo.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#186: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalaka aha xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale., kaas oo afartiisano ee tagtay ku matalayey Koonfur Galbeed xildhibaannada federalka ah.

2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#077: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalaka aha xildhibaan  Isgoowe Deeqow Isaaq, kaas oo afartiisano ee tagtay ku matalayey Koonfur Galbeed xildhibaannada golaha shacabka.

3: Kursiga tirsigiisu HOP#099: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalaka aha xildhibaan Deeqa Xuseen Xasan,taas oo afartiisano ee tagtay ku matalayey Koonfur Galbeed xildhibaannada golaha shacabka federalka ah.

4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#168: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalaka aha xildhibaan Xasan Macalin Xuseen, kaas oo afartiisano ee tagtay ku matalayey Koonfur Galbeed xildhibaannada  federalka ah.

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#167 waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalaka aha xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, kaas oo afartiisano ee tagtay ku matalayey Koonfur Galbeed xildhibaannada federalka.

6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#261waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalaka aha xildhibaan Cabdulqaadir Xasan Sheekh Aadan,  kaas oo afartiisano ee tagtay ku matalayey Koonfur Galbeed xildhibaannada golaha.

No photo description available.