U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Shaaciyey Musharraxiinta Kuraasta Taalla Boosaaso

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta shaaciyey musharraxiinta u tartamaysa 16 kursi oo  tirsan golaha shacabka BJFS , kuwaas doorashadoodu ay ka dhici doonto magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari oo ah deegaan doorashada labaada ee xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad, waxaana la qabanayaa maalinta barri ah.

Kuraasta barri lagu dooranayo magaalada Boosaaso ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin, HOP#142, HOP#190, HOP#220, HOP#027, HOP#222, HOP#149, HOP#036, HOP#169, HOP#083, HOP#158, HOP#227, HOP#076, HOP#234, HOP#228, HOP#157 iyo HOP#273, waxaana deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#142  waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey   Maxamuud Xayir Ibraahim , waxaana ku tartamaya labada Musharrax ee kala ah Ismaaciil Shire Jaamac Cali iyo Siciid Maxamuud Maxamed.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#190  waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka FJS ku fadhiyey Cabdinaasir Siciid Muuse, waxaana kutartamaya Musharraxiinta kala ah Maxamed Cabdulqaadir Maxamed iyo Fatxi Cali Saalax Maxamuud.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#220 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cabdirashiid Maxamuud Xasan, waxaana ku tartamaya Murraxiinta kala ah Cali Xaaji Daahir Saleebaan iyo Axmed Burhaan Cumar.

4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#027 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyeuy Siciid Xuseen Ciid, waxaana ku tartamaya Musharraxiinta kala ah Siciid Cali Muuse iyo  Cabdulqaadir Jaamac Cabdi.

5: Kursiga tirsigiisy ayhay HOP#222 waaxaa Baarlamaankii10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cumar Ismaaciil Waaberi, waxaana ku tartami doona Murraxiinta kala ah Caynaanshe Yuusuf Xuseen iyo Roodo Yaasiin Yuusuf Siciid.

6: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#149 waxaa Baarlamaankii10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Maxamed, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Faysal Axmed Maxamuud iyo Faaisa Cabdixakiim Maxamed.

7:Kursiga tirsiggiisu yahay HOP#036 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Maxamed Aadan Diini iyo Faaisa Jaamac Muuse Ismaaciil.

8: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#169 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Jamaal Maxamed Xasan, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Cali Mahdi Maxamed Cali iyo Musharrax  Xafsa Cali Axmed.

9:Kursiga tirsiggiisu yahay HOP#083 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey,Cabdullaahi Bile Nuur, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah  Maxamed Bashiir Cali iyo Aamina Maxamed Ciise.

10: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#158 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cilmi Cumar Cilmi (Caysane), waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Saadaam Maxamuud Cabdi iyo Muna Maxamuud Dalmar.

11: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#227 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah  Maxamed Bashiir Cali iyo Aamina Maxamed Ciise.

12: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#076 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Muuse Axmed Ismaaciil,waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Muuse Axmed Ismaacii iyo Faaduma Ibraahim Ismaaciil.

13: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#234 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhisay Deeqa Siciid Xasan, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Cabdibashiir Xaaji Cali iyo Musharrax  Aamina Cabdiweli Maxamed,

14: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#228 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise Maas,waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Cabdullaahi Faarax Mire iyo  Xamdi Cabdullaahi Maxamed.

15: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#157 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Maxamuud Axmed Aadan iyo Iidle Cali Axmed.

16: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#273 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cabdi Maxamuud Maxamed (Afdhuub), waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Bashiir Cabdi Maxamed iyo  Sahra Maxamed Cali.

No photo description available.

No photo description available.

Goobjoog News