U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyay in Aysan Qaban Karin Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka madaxweynaha Somaliland ayaa ku dhwaaqay in aysan ku qaban karin doorashada xilliga loogu talo galay, taas oo aheyd 13-ka November oo ay naga xigto muddo bil iyo dhowr casho ah, guddiga ayaa dalbaday in lasiiyo waqti dheeraad ah oo ay ugu diyaar garoobaan sida ay sheegeen.

Guddiga oo kulan isugu yimid ayaa soo saaray bayaan ka kooban sedex qodob oo ay ku cadeynayaan in xilligaan guddiga farsamo iyo dhaqaale ahaan uusan ugu diyaarsaneyn qabashada doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, guddiga ayaa soo saaray qodobadaan, uu ku cadeynayo.

1: In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.

2: In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.

3: Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

Hadlka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Somalaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo ay taagan tahay rajo la,aanta xisbiyada mucaaradka ay ka muujinayeen qabsoomidda doorashada madaxweynaha oo ku dhacda xilligii loogu talo galay, waxaana xusid mudan in madaxweyne Biixi uu horey u sheegay in doorashada la qaban karo.

Goobjoog News