U bood dhigaalka

Guddiga FEIT oo Fariin Xildhibaannada Cusub Ee Baarlamaanka 11-aad

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT oo xalay soo gudbiyey liiska xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad Jamuhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa baaq u diray xildhibaannada la shaaciyey iyadoo loogu baaqay in maalinta barri ay tahay oo ah  2-da Apriil ay bilaabanayso qaadashada Shaahaadada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu xusay  in 8:00AM (Aroornimo) barri oo Sabti ah , laga sugayo in Xildhibaananada ay iskugu  yimaadaan si ay u qaataan shahaadada muujinaysa xildhibaannimada iyo kaaararka aqoonsiga , waxaana lagu wadaa in mudanayaashada Baarlamaanka labada aqal la dhaariyo 14-ka Apriil 2022-ka.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay billaabanayso Barri Subax bixinta shahaadada Xildhibaannimo. Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel Saacaddu markay tahay 8:00AM (Aroornimo), Taariikhda: 02/04/2022”. ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka.
Sidoo kale guddiga ayaa fariin u diray xildhibaannada la doortay ee dalka ka maqan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka dib ugu soo laabtaan” Sidoo kale Xildhibaanada Gobollada iyo Dalka Dibeddiisa ku maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay” ayaa lagu yiri gabagabada qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka.
Goobjoog News