U bood dhigaalka

Guddiga FEIT Oo Fasaxay Doorashada Kursiga HOP#204

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa shaaciyay in ay dib u fasaxeen doorashada kursiga HOP#204 oo ay horay u hakiyeen.

Kursigaan oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa horay ugu fadhiyay xildhibaan Macalin Cali Aadan.

Guddiga ayaa horay u sheegay in soo xulista ergada kursigaan aan la marsiin habraacii loogu talagalay in loo soo xulo xubnaha dooranaya xildhibaanka.