U bood dhigaalka

Guddiga FEIT oo Go’aamiyay Halka Lagu Dooranayo Kuraasta Gobolka Gedo

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka FEIT ayaa maanta soo saaray go’aan ku aadan deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland oo aan wali lagu soo dooray 16 kursi oo taalla magaalada Garbahaareey ee gobolka  Gedo, waxaana guddigu uu go’aamiyay in doorashada lagu qaban doono magaalada Ceelwaaq oo ka tirsan isla gobolka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Farmaajo  ayaa in badan isku mariwaayay sida ay u dhacayso doorashada kuraasta gobolka Gedo, waxaana Axmed Madoobe  uu sheegay xilli uu hadlay in  lasoo dooranayo, isaga oo carabka ku dhubfaty in dadka reer Gedo iyagu soo doonayaan kuraasta ku matalaysa Baarlamaanka.

No photo description available.