U bood dhigaalka

Guddiga FEIT Oo Shaaciyay Waqtiga La Dhaarinayo Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa shaaciyay jadwal cusub oo lagu soo dhameystirayo doorashada baarlamaanka sidoo kalena lagu dhaarinayo xildhibaanada labada aqal ee la doortay.

Qoraalka ka soo baxay FEIT ayaa lagu sheegay in 16-ka maarso illa 23-ka looga baahan yahay guddiyada SEIT ee dowlad gobaleedyada in ay soo gudbiyaan warbixinada xildhibaanada la doortay.

24-ka illaa 29-ka bishaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga FEIT ay ku hubinayaan warbixinada xildhibaanada labada aqala ee la doortay, sidoo kalena 31-ka bishaan ku dhawaaqayaan natiijada kama dambaysta ah ee doorashada xildhibaanada labada aqal.

Warka ka soo baxay guddiga FEIT ayaa sidoo kale lagu sheegay in 2-da illa 4-ta bisha soo socota xildhibaanada la doortay laga rabo in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, shanta maalin ee ku xigtana la siinayo shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanimada.

14-ka April ayeey guddigu sheegeen in si rasmi ah loo dhaarinayo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo wixii intaas ka dambeyay la wareegi doona doorashada guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha 10-aad ee dalka.