Guddiga Joogtada 2-da Gole ee BFS oo Kulan Ku Leh Muqdisho, Akhriso Qodobka Looga Hadlayo

Waxaa goor magaalada Muqdisho uu kulan uga furmay guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyadoo la filayo in kulankan ay ka soo bixi doonaan qodobo quseeya xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare.

Kulankan ayaa waxaa goob jog ah islamarkaana shir guddoominaya  guddoonka labada aqal waxaana kulanka uu ka furmay xaruntooda Villa Hargeysa.

Ajendaha ugu weyn ee kulankan ayaa ah in go’aan laga soo saaro xilliga uu furmi doono kal fadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya xilli ay xusid mudantahay saameynta safmarka Coronavirus uu ku yeeshay dalka.

Waxaa la filayay in 27-ka bishan ay baarlamaanka hortimaado guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima yarey si ay u shaaciso nuuca doorasho ee uu dalka geli doono.

Waxaan wali la caddeyn nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonta sanadka 2021.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW