U bood dhigaalka

Guddiga Kheyraadka Oo Ku Takrifal Awoodeed Ku Eedeeyey Wasiirka Batroolka, Dalbaday In Lasoo Celiyo Guddoomiyaha HBS

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goordhow soo baxay go’aanka guddiga kheyraadka dabiicigaa iyo bii’ada ee ku saabsanaa khilaafka ka dhex jira wasaaradda batroolka & macdanta iyo hay’adda batroolka soomaaliyeed (hbs).

Guddiga ayaa waxyaabaha uu ku taliyey waxaa ka mid ahaa in xil ka qaadista guddoomiyaha ay aheyd sharci darro isaga oo ku baaqay inu shaqada uu kuso noqdo.

Qoraalka kasoo baxay guddiga waxaa ka mid ahaa: Guddiga waxaa u cadaatay in xil iyo xubin ka qaadistii loo geystay Guddoomiyaha Hay’adda aysan ku fadhinin wax sabab ah oo maangal ah oo sharciga waafaqsan.

Sidaas daraadeed, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka waxaa xaq sharci ah loogu leeyahay in arintaan uu dib u eegis ku sameeyo gudoomiyahana loo fasaxo in uu shaqadiisa sii wato si loo ilaaliyo kalsoonida Golaha sare ee Kheyraadka Dalka (Dawlad Goboleedyada) iyo Kalsoonida Maalgashadayaasha Caalamiga ah (Shirkadaha).

Guddiga waxaa u muuqday in Wasaaraddu ku takrifal awoodeed ku qaadatay xilkii Hay’adda Betroolka Soomaaliyeed sida ku cad qod. 19 (14), Qod. 20aad, Qod 24aad (1), (2) ee Sharciga Batroolka JFS sidaa daraadeed waxaa la xasuusinayaa Ra’iisul wasaaraha JFS in uu si adag u korjoogteeyo uuna xaqiijiyo madaxbanaanida Hay’adda iyo in ay ka dhex abuuranto HBS iyo Wasaaradda xiriir iskaashi iyo wadashaqeyn damaanaq qaadaya Danta Guud iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Dalka.

Waxaa la farayaa Hantidhawraha Guud ee Qaranka in uu soo xaqiijiyo lacagtii 28% aheed ee la hubiyay in ay ka maqantahay gunada xubnaha Hay’adda Betroolka ee lagu ansixiyay miisaaniyadii ku celiska aheed ee 2020.

                 Akhriso: Qoraalka oo Dhameystiran