U bood dhigaalka

Guddiga Madaxabanaan Ee Doorashooyinka Qaranka oo Diiwaangeliyey Xisbiyo Cusub

Sheeko:Baarlamaanka

Xaafiiska Diiwaan-geliyaha Xisbiyada Siyaasadda ee GMDQ ayaa shahaadooyin ku-meel-gaar ah guddoonsiiyey Lix (6) Xisbi oo cusub oo ka mid noqon doona xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah u diiwaan-gashan. Munaasabada shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarrunta dhexe ee GMDQ ee Magaalada Muqdisho maanta oo taariikhdu tahay 7/10/2020.

Xisbiyada la diiwaan-geliyey ayaa kala ah:

  1. Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda.
  2. Xisbiga Qaransoor
  3. Xisbiga Cadaaladda iyo Dib U heshiisiinta
  4. Xisbiga Jamhuuriga Soomaliyeed
  5. Xisbiga Cagaaran ee Soomaaliyeed
  6. Xisbiga Nabadda iyo Midnimada

Maxamed Maxamuud Xasan Sandheere oo ah Agaasimaha xafiiska Diiwaan-geliyaha xisbiyada ayaa furitaankii xaflada hadal kooban ka jeediyey isaga oo soo dhaweeyey dhamaan xisbiyada cusub oo ku soo biiray xayndaabka siyaasadda ee doonaya in ay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, waxaa uuna ku wargeliyey in shahaadada ay hadda qaadanayaan ay tahay ku-meel-gaar, balse ay xisbiyadu kaga qeyb-geli karaan oo kaliya doorashooyinka shahaadada rasmiga ah, sidaas daraadeed ay kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay u noqon lahaayeen xisbiyo rasmi ah oo qaata shahaadada rasmiga ah, isaga oo si faahfaahsan ugu sharaxay waxyaabaha looga baahan yahay in ay la yimaadaan si ay ku noqdaan Xisbiya rasmi ah.

waxaa kale oo uu aad ugu adkeeyey in laga wada shaqeeyo siddi dalka doorashooyin dimuqraadi ah looga hirgelin lahaa.

Dinaca kale Xisbiyada oo ay gudoomiyeyaashoodu ka hadleen munaasabada ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta maanta u qabsoontay. mid ka mid ah gudoomiyeyaashii goobta ka hadlay ayaa yiri ‘’aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan ka mid noqono xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah uga diiwaan-gashan dalka, waxaana dooneynaa in dalku ka baxo nidaamka wax qeybsiga beelaha una gudubno nidaam dimuquraadi ah oo xisbiyo badan leh’’.

Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha GMDQ Marwo Xaliima Ismacil Ibrahim oo sheegtay in xisbiyadu yihiin habka lagu tartamo siyaasada, ayna lagama maarmaan tahay in xisbi kasta uu furto xaafiiskiisa, xiriir joogta ahna la yeesho Xaafiiska Diiwaan-gelinta xisbiyada ee GMDQ. waxaa ayna kula dardaarantay in ay akhriyaan ayna ilaaliyaan sharciga xisbiyada dalka.

Goobjoog News