U bood dhigaalka

Guddiga Qiimeynta Garbahaarrey oo Kulamo Ka Bilaabay Kismaayo

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga dhowaan Ra,iisalwasaare Roole u magacaabay qiimaynta deegaan doorashada Labaad ee dowlad goboleedka Jubbland ee degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo ayaa Kismaayo ka bilaabay kulamo ay la yeelanayaan bulshada iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee golaha shacabka.

Guddiga ayaa kulan waxaa ay la qaateen waxgaradka kasoo jeeda gobolka Gedo, iyaga oo iska xog wareystay caqabadaha hortaagan in doorasho ay ka dhacdo gobolka Gedo, iyaga oo sidoo kale kulan la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Maxamuud sayid Aadan iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka  Jubbaland.

Guddigaan loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan suulgalnimada sida doorashada 16 kursi uga dhici karto Garbahaarrey ee maamulka  Jubbaland ayaa inta ay kusugan yihiin magaalada in ay siiwadaan qiimayntooda ku aadan waxa loo xilsaaray, waxaana la filayaa in Ra,iisalwasaaraha ay kusoo celiyaan warbixin buuxda

Maamulka gobolka  ayaa dhowaan ka horyimid guddiga uu magacaabay Ra,iisalwasaare Rooble, tii oo ay jirto in degmada  Garbahaarrey ay tahay deegaan doorashada labaad ee Baarlamanka 11-aad ee golaha shacabka oo 16 kursi lagu wado in lagu soo doorto, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.

Goobjoog News