U bood dhigaalka

Guddiga Xalinta Oo Joojiyay Shaacinta Natiijada Kursiga HOP#67

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa shaaciyay in la hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursiga HOP#67 oo uu dhawaan ku soo baxay Yaasiin Fareey.

Guddiga ayaa sheegay in ay in dacwad ay ka soo gudbiyeen xubna ka tirsan musharixiintii loo diiday in ay doorashada ka qeyb galaan iyo Nabadoonada beesha kursiga iska leh.

War-ka ka soo baxay guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga ay muddo isbuuc ah ay ku soo gabagabeynayaan dhageysiga dacwadda kursiga HOP#67 ee uu ku fadhiyo Yaasin Fareey.