U bood dhigaalka

Guddiga Xuduudaha iyo Fedaraalka Dalka oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Socday Hirshabeelle

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga xuduudaha iyo fedaraalka dalka  oo maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho xubno ka socday dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kala hadlay si loo dhameystiri lahaa  sharciyada dowlad gobaleedyada loona sixi lahaa xuduudaha u dhaxeeya dowlad gobaleedyada Hirshabeelle iyo konfur galbeed Soomaaliya.

Intii shirku uu sacoday ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin  ku aadan qaab dhismeedka dhuleed ee maamulka Hirshabeelle  iyo dhameystirka shaciyadda Dowlad goboleedyada,taasi oo masuuliyiinta Hirshabeelle ka socotay iyo Guddigu ay meel wanaagsan wada gaarsiiyeen.

Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta dowlad gobaleedka Hirshabeelle Abuukar Xasan Cali ayaa uga ugu horeyn uga  mahadceliyay Guddiga dadaalka ay gelinayaan sidii loo heli lahaa xuduudihii ay sameysay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaan uga mahadcelineynaa guddiga dadaalka uu soo galiyay iyo hogta dhameystiran ee uu nala wadaaga waxaana rajeyneynaa in aan raacno xuduudihii ay hore u sameysay dowladdii dhexe.

Guddoomiyaha xuduudaha iyo fedaraalka dalka Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn shirka ay tahay inay la wadaagaan masuuliyiinta Hirshabeelle, waxyaabaha ay ka diyaariyeen arrimaha dhameystirka sharciyadda dowlad gobaleedyada, taasi oo ay horeuga soo talagaliyeen maamulka kale ee dowladda qeybta ka ah.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla kulano waxaa shirkaan aan uga gol leenahay inaan idinla wadaagno waxyaabaha aan soo diyaarinay,inagoo hore ula soo shaqeynayay dowlad goboleedka kale ee dalka ayuu yiri guddoomiye Khaliif Cabdikariin Maxamed.

Goobjoog News