U bood dhigaalka

Guddiyada Doorashooyinka BFS oo Kawada Hadlay Xeerka Doorashada Guddoonka Labada Gole

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiyada qabanqaabada doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada jir ah yeeshay, ayaa ka wada hadlay xeerka doorashooyinka guddoonka labada gole iyo madaxweynaha oo lagu wado in ay dhacdo kadib doorashada guddoonka labada gole.

Guddiyada labada ah ayaa  waxa ay  wadajir u  go’aamiyeen in xeerka lagu ansixiyo fadhi wadajir ah oo labada Gole Maalinta beri ah ay isugu imaanayaan, guddiyadaan ayaa  laga soo dhex xulay xildhibaannada, waxaana laga sugayaa in ay soo saaraan kulanka barri kadib habraacyada iyo jadwalka doorashada.

Doorashada guddoonka labada gole ayaa waxaa ay ka dhici doontaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana xigi doonta midda madaxweynaha , waxaana dhammaan xildhibaannada labada gole la faray in maalinta bari ay isugu yimaadaan fadhi wadajir ah oo Baaralamaanku yeelanayo.

Goobjoog News