U bood dhigaalka

Guddomiye Baarlamaan Oo Qaatay Shahaadada Tartanka Kursi Golaha Shacabka Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Gudiga hergalinta doorashooyinka  SEIT ee Kunfur galbeed ayaa bilaabay  bixinta shahadooyiinka 13 kursi oo lagu dooranayo magalada barawe ee xaruunta dowlad goboleedka Kunfur galbeed .

Kuraasta shahaadadooda la bixinayo ayaa waxaa ay kala yihiin HOP#187, HOP#195, HOP#194, HOP#145, HOP#256, HOP#045, HOP#251, HOP#143, HOP#163, HOP#057, HOP#162, HOP#062  iyo HOP#148.

Shaqsiyaadka illa iyo hadda la siiyay shahaadooyinka ayaa waxaa kamid ah Cali Saciid Faqi oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo u tartamaya kuriga HOP#187.

Guddiga ayaa 11 bishaan shaaciyay jadwalka doorashada kuraastaan oo lagu wado in maalinta beri ah lagu doorto magaalada Baraawe ee xarunta dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.

Goobjoog News