U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Somaliland oo Sheegaya in Doorashada Ku Dhaceyso Waqtigeeda

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Suleymaan Maxamuud Aadan oo maanta furay kala fadhigii 71-aad ee golaha wakiilada , kaas oo inta badan ay soo xaadireen xildhibaannada.

Guddoomiyaha ayaana sheegay in doorashada waqtigii loogu talo galay ay dhaceyso, waxaana uu xusay in wax iska badalayo aysan jirin muddo kordhintii golaha guurtida ay u sameeyeen golaha wakiilada Somaliland.

“Doorashooyinka la la qeylinaayo muddo ayaan u qabannay walina waa la qeylinayaa qeyladaasna meel qura ayey ka socotaa, waxaadna moodaa in axsaabtu buunbuuninayaan, axsaabta waxaan leenahay waaqica ha la aqbalo doorashada muddo ayaa loo qabtay waqtigaas ayeeyna ku dhaceysaa” ayuu yiri guddoomiye Suleymaan.

Guddoomiye Suleymaan Maxamuud oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in doorashada in la qabto ay muhiim tahay loona baahan yahay in loo wada istaago sidii ay ku qabsoomi laheyd waxaana uu yiri.

“Haddii guddiga doorashada ay nagala qeyb galaan , doorashadana loo dhaqaaqo waa la qaban karaa, doorashadu waa mihiim wixii turxaan gelinaayo inaan ka dhaafno golaha kama hadlaayo ee qaran ahaan aan ka dhowrno oo aan sidaas ku howl galno”.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Suleymaan Maxamuud Aadam, ayaa sheegay in hadda deegaannada Somaliland aysan ka jirin wax colaad ah, marka laga reebo dagaal beeleedyo ku soo noqnoqda bariga gobalka Sanaag.

“Wax uur xumaa oo maanta aan idiin sheegno bariga gobalka Sanaag mahane ma heyno waxaan idiin sheegno, arrinta bariga midi soke ee deegaanka Ceel Afweyn reeraha degan waa ay dhameysteen Illahey nabadaa la xirtay mid waarta ha ka dhigo, lakiin bariga fog xaaladiisu ma qurux badna” ayuu hadalkiisa ku soo gabangabeeyey guddoomiyaha golaha wakiilada.”

Ugu dambeyn hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Suleymaan Maxamuud Aadan,ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo mudooyinkii ugu dambeyey uu taagnaa khilaaf ka dhashay mudo kordhin golaha guurtida ay u sameeyeen golaha wakiilada Somaliland.

Goobjoog News