U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Digniin u Diray Maamulka Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Axmed Cali Xaashi oo ah guddoomiyaha baaarlamaanka maamulka Puntland ayaa digniin u jeediyey maamulka Somaliland, taasi oo ku aaddan sida uu sheegay daandaansiga ay ka waddo gobollada Sool iyo Sanaag.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada iyo isku dayga Somaliland ay ka waddo dhulka Puntland, wuxuuna sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin xadgudubyada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba gorgortan ka geli doonin dhulkeeda, isaga oo sheegay in Somaliland looga baaahan yahay inay dib ula laabato ciidankeeda.

Deegaanno ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag waxaa ka jirtay xiisad u dhaxeysay Somaliland iyo Puntland, waxaana maamul walbo ku doodayaa in deegaannada la isku haysto isaga maamulo.

Goobjoog News