U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Hor Istaagay Wareegtadii Xilka Looga Qaaday Guddoomiyiihii Maxkamadda Racfaanka Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha   Baarlamaanka dowlad goboleedka Horshabeelle  Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa war ka soo saaray xilka qaadista guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cabdulle Nuur,

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay sharci daro xil ka qaadista lagu sameeyey guddomiyaha maxkamadda isaga oo sheegay in Garsoorku  ka madaxbannaan yahay laanta fulinta.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa intaa ku daray in maamulka hirshabelle ku jiro xilli kala guur ah aysan sharci ahey in xilka laga qaado masuuliyiinta maamulka hirshabelle inta ay ka dhacayso doorashada hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele ayaa sheegay  madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uusan xilka ka qaadi karin masuuliyiinta hirshabelle waxa uuna ku sheegay warqada ka soo baxday in ay shaqaalaha hada jooga sii wataan shaqada dowladda inta laga dhisayo maamul cusub oo hirshabeele hoggaamiya.

Guddoomiyaha oo soo saaray war qoraal aha yaa xusay in hey’adaha dowladda Hirshabelle aan lagu sameyn karin wax isku shaandheyn ah inta ay ka dhacayso doorasho.

                                                                             Halkaan Ka Akhriso

Goobjoog News