U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Ka Haday Dilka Xildhibaan Ka Tirsanaa Maamulkaasi

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ka  hadalay dil maanta loo geystay xildhibaan ka tirsanaa maamulkaas, oo gari uu saarnaa lagala dagay kadibna la dilay.

Guddoomiyaha oo soo saar qoraal ayaa dhammaan bulshada ku dhaqan Hirshabeelle kaga tacsiyeey geetida ku timidid xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad, oo dagaalamayaal ka tirasan Al-shaab ay kala degeen gaari uu saarnaa oo ku safraayey wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhay iyo Muqdisho, kadibna ay dil u geysteen xildhibaanka.

Qoraalka ka soo baxay guddoomiye Baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle  Cismaan Barre Maxamed  ayaa waxaa lagu yiri “Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan Mohamed Mohamud Siyaad Xuurshow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay dileen kadib markii ay ka qafaasheen isagoo ku safraya wadada udhaxeysa Jowhar Iyo Muqdisho.

Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Mohamed Siyaas waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha waxuu Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle”

Qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta xildhibaan ka tirsanaa lagu dilay gobolka Shabeellaha dhexe, kaas oo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab ay gaari uu saarnaa kala degaan deegaanka Gololeey, kadibna ay dileen sida ay ku shaaciyeen barahooda Bulshada.

Goobjoog News