U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo Ugu Baaqay Golaha Shacabka Iney la Xisaabtamaan Xukuumadda Cusub ee Maamulka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay baarlamaanka maamulka iney la xisaabtamaan golaha wasiirada cusub.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad lagu dhaarinayay golaha wasiirada cusub ee Jubbaland ayaa ugu baaqay in golaha shacabku ay la xisaabtamaan golaha wasiirada:

“Golaha Shacabka oo wakiillo ka ah umadana iney ku ilaaliyaan ku daba galaan, iyagoon xadkii gudbeyn iney sidii loogu talagalay wasiiradii iney ugu adeegayaan iney muraaqabeeyaan(kormeerro) ku sameeyaan”.

Dhanka kale golaha wasiirada cusub ayuu ugu baaqay guddoomiyuhu iney  si daacad ah ugu adeegaan shacabka oo ay ogaadaan qiimaha dhabta ah oo ay dhaartu xambaarsan tahay:

“Wasiiradana iney si fiican shacabka ugu adeegaan iyagoo Illaahooda ka baqanaaya oo ay magaciisa ku dhaarteen, diintooda samaawiga ah ee Illaahay usoo dejiyay oo ay ku dhaarteen”.

Maalintii shalay ayaa xarunta Jubbaland ee Kismaayo waxaa lagu dhaariyay wasiirada cusub ee Jubbaland kuwaas oo baarlamaanka maamulku uu meel mariyay 9/Juun.2016.

Goobjoog News