U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Oo Kulan Looga Hadlayey Arrimaha Doorashooyinka La Yeeshay Saraakiil Maraykan Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo  Kulan la Qaatay Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u Qaabilsan Geeska Afrika ayaa looga hadlay arrimo khuseeya doorashada soo aaddan ee Somaliland.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Wafti uu hoggaaminayo oo ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Kulanka labada dhinac ayaa socday muddo 1-saac waxaana looga hadlay Doorashooyinka Soomaliland ku soo aaddan iyo arrimo kale.

Mas’uuliyiinta ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee qaabilsanaa arrimaha Geeska Afrika ayaa kala ahaa Peter Lord oo ay ku xigeenka xafiiska qaabilsan arrimaha bariga Afrika iyo Stacy M. Session oo u qaabilsan wasaaradda arrimaha Soomaaliya.

Labada masuul  ee Mareykanka ah ayaa sheegay inay dawladda Maraykanku diyaar u tahay iney kaalin ka ciyaarto dhinaca dorashooyinka Somaliand iyagoo soo bandhigay sida ay haddaba Somaliand uga caawiyaan diiwaan gelinta doorashooyinka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku dhamaaday jawi is af garad ah, waxaana kulanka ku wehlinayay guddoomiye Cirro xildhibaan Ibraahim Jaamac Reyte oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland iyo xubno kale.

Goobjoog News