U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Safar Shaqo Ku Gaaray Dalka Konfur Afrika

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Johannesburg talaadadii lasoo dhaafay, isagoo la kulmi doona madaxda sarsare ee dalkaas ku yaalla konfurta qaaradda Afrika.

Waftigan uu hoggaaminayay goddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa si diirran usoo dhaweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Konfur Afrika.

Hadal uu guddoomiyuhu jeediyay ayuu ku sheegay in safarkiisa inta uu ku jiro uu la kulmi doono mas’uuliyiinta Konfur Afrika, iyo safaaradaha kale ee iyaguna dalkaas daggan.

Konfur afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali badan oo ganacsato ah oo ku kala fidsan dhamaan daafaha dalkaas, iyagoo intabadan tacadiyo naf iyo maal leh kala kulama dadweynaha Konfur Afrika oo intabadan Ajinabi nacayb u waxyeeleeya.

Goobjoog News