U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland oo Dalka Mareykanka kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Afrika u Qaabilsan Congress-ka Mareykanka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa kulan la qaatay Christopher H. Smith oo ah Guddoomiyaha Guddida Afrika u qaabilsan golaha Congresska Maraykanka, sidoo kale u qaabilsan arrimaha Caafimaadka Caalamka, Xuquuqda Aadanaha iyo ururada Caalamiga ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo waftiga uu hoggaaminayey ayaa kulan wakhti dheer qaatay la yeeshay Chris Smith, iyaga oo ka wada hadlay qodobbo kala duwan.

Ugu horrayn Guddoomiye Cirro ayaa sharaxaad ka siiyey Christ xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo horumarka ka socda, waxaanuu kala hadlay sidii dawladda Maraykanku ay kor ugu qaadi lahayd mucaawanada ay siiyaan Somaliland.

Christ Smith ayaa si weyn u soo dhoweeyey weftiga Guddoomiyaha isaga oo aad ula dhacay horumarka Somaliland ka socda, wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhow u dhegeysto arrimaha Somaliland lana socon doono.

Guud ahaan kulanka ay yeesheen Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland iyo Christ Smith oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ku dhammaaday jawi isfaham leh.

Waftiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland uu hoggaaminayo ayaa dalka Maraykanka kulamo kala duwan kula qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Hay’adda Mucaawinooyinka Dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID, Golaha Odayaasha Maraykanka ee Senate-ka iyo Golaha Wakiillada Maraykanka ee Congresska. waana Waftigii ugu horreeyey ee ka socda Somaliland ee hal mar isu mara dhinacyadan oo dhan muddooyinkii ugu Dambeeyey.

Goobjoog News