U bood dhigaalka

Guddoomiyaha FEIT: Diyaar Baan U Nahay Dhaarinta Xildhibaannada

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiayaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federal FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa ka hadlay maalinta loo asteeyay dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka oo ku aadan 14-ka bisha April 2022-ka, waxaana uu xusay in la diyaariyey goobta dhaartu ka dhacayso.

Guddoomiye geelle ayaa ugu baaqay in xildhibaannada qaatay shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga ah ka hor waqtiga ay yimaadaan, waxaan uu xusay in dalka ay ku gadaaman tahay duruufo badan loona baahan yahay in la samatabixiyo, isagoo sidoo kale baaq u diray xildhibaannada aan qaaday Shaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga.

“Xildhibaannada labada aqal cid waliba aan qaadan Shahaadada, waxaan ka rajaynaynaa in ay yimaadaan oo ay qaataan Shahaadada si ay uga qayb galaan dhaarta, xildhibaannada qaatay shahaadada, iyaga waxaan leenahay  in ay ka soo hormaraan maalinta 14-ka oo dhaartu ay qabsoomi doonto, kuwaas oo muddo  dhow ku wareegi doona xarumahoodii aqalka sare iyo golaha shacabka, umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa inuu kheyr jiro, inuu wadanku yeelan doono dowlad, inuu wadanku yeelan doono xeer dajiyeyaal” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Muuse oo sii hadlaayo ayaa yiri” Wax allaala wixii turxaan bixin ah ama cabashooyin ah waa la dhamaynayaa, waxaan soo dhowaynaynaa inuu dalka horay u dhaqaaqo, haddii aan maanta dhaar la qaban oo dadkii kusoo baxay aan la dhaarin, xaaladda dalka maalinba maalinta ka dambayso waa sii socdaa, dhaqaalo xumi ayaa jirta, deeqihii la siin jiray ayaa go’aya, deyn cafiskiibaa go’aysa, bisha May haddii la gaaro, duruufo badan ayaa dalka ku gadaaman, dhibaatooyin badan baa jirta, sidaas darteed  wadanku waa inuu horay u socdaa”

Hadalka guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf aya waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo in kabadan 200 oo xildhibaan ay qaateen shahaadada iyo kaararka aqoomsiga, waxaana la filayaa in guddigu maalinta 14-ka bisha April 2022-ka uu dhaariyo xildhibaannada labada aqal ee la doortay ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah.

Goobjoog News