U bood dhigaalka

Guddoomiyaha gobolka Gedo oo faahfaahin ka bixiyay safar uu ku joogo Kismaayo

Sheeko:War
Guddoomiyaha gobolka Gedo,Maxamed Cabdi Kaliil oo ka degaya diyaaradi geysay Ksmaayo
Guddoomiyaha gobolka Gedo,Maxamed Cabdi Kaliil iyo wafdi la socda oo ku sugan garoonka Ksmaayo

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda federaalka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii uu ku tagay halkaasi.

Maxamed Cabdi kaliil oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo ayaa tilmaamay in loo baahanyahay inay nabad ku wada noolaadaan shacabka wada dega Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu ku tilmaamay mid ay masuuliyad ka saaran tahay maamulka uu isaga hogaamiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa xusay in dadaal uu u galay sidii loo mideyn lahaa dadka soomaaliyeed ee wada daga Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo si meesha looga saaro Maamullada is bar bar socda sida uu sheegay.