U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Hakiyey HOP#086,HOP#154 iyo HOP#103

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban  ee heer federal  Muuse Geelle Yuusuf ayaa ka warbixiyey habsami u socodka doorashooyinka golaha shacabka oo maraya maalmihii ugu dambeeyey waqtigii loo asteeyey ee 25-ka bisha.

Guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday kuraas horay guddiga doorashadooda uu u hakiyey kuwaas oo sumadoodu tahay HOP#154, HOP#103  iyo HOP#086, kuwaas oo doorashadoodu lagu doortay magaalooyinka Baydhabo iyo Baladweyne.

Kursiga HOP#154 29 November 2021 waxaa lagu doortay Baydhabo,kaas oo dhaliyey dood badan, halka HOP#103 28kii November 2021 Baydhabo lagu doortay HOP#086 ayaa Baladweyne lagu 20 Febraayo 2022, isaga oo hadalheyn dhaliyey.

Guddoomiye Geele ayaa sheegay in la joojiyey kuraastaas aan soo xusnay isaga oo sheegay inuu qaldan yahay habraacii loo maray xiligii doorashadooda sida hadalka u dhigay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Geelle oo warbaahinta la hadlay.

“Guddiga doorashooyinka heer federal, iyaga oo ilaalinaaya habraaca gudanayana shaqooyinkooda, waxaa ay horay u joojiyeen 3 kursi oo kala ah HOP#154, HOP#103 iyo HOP#086, kuraastaas oo habraacoodu qaldamay,  ama aan ku toosneyn sidii loogu talogalay dib ayaa looga fiirsanayaa, inta ka horeysana waa la joojiyey” ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu rajaynayo in doorashada ay waqtigeeda kusoo dhammaado, waxaana kuraastaan la hakiyey ay kusoo aadayaan iyadoo muran badan uu ka dhashay qaabka ay ku dhacday doorashadoo iyo habraaca intaba.

Goobjoog News