U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Midowga Afrika Oo Galay Xaalad Karaantiil Ah

Sheeko:Caalamka

Guddoomiyaha midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in uu galay xaalad karaantiil ah ka dib markii qof ka shaqeeya xafiiskiisa laga helay xanuunka caalamka faraha ba’an ku haya ee Coronavirus.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in qofka ka shaqeeya xafiiskiisa ee laga helay xanuunkan uu haatan yahay mid xaaladdiisu ay wanaagsan tahay isaga oo xusay in isaguna uu si iskiis ah isku karaantiilay.

“Waxaan idiin xaqiijin karaa in qof ka shaqeeya xafiiskeyga ee midowga Afrika laga helay Covid-19, xubintan shaqaalaha ah xaaladiisu waa mid degan, aniguna waxaan galay karaantiil” ayuu yiri guddoomiyaha midowga Afrika ee Moussa Faki Mahamat.

Qaaradda Afrika kiisas kor u dhaafaya 1,000 kiis oo Coronavirus ah ayaa horay looga diiwan galiyay, waxaana xanuunkaan uu yahay mid maalinba maalinka ka dambeysa ku sii faafaya caalamka, walina ma jirto dawo loo helay caabuqaan loo maarada la’yahay.

Waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo cudurkaan iyo dadka u geeriyoonaya intaba.

Goobjoog News